Baxreyn iyo Israel oo dib u soo ceshtay xiriirka diblumaasi

HomeWararka

Baxreyn iyo Israel oo dib u soo ceshtay xiriirka diblumaasi

Munaasabad ka dhacday magaalada Manama ayaa wadamada Baxrayn iyo Israel waxay kala saxiixdeen xiriir diblomaasiyadeed oo buuxa. Labada dalna waxaa had

GAALKCAYO: Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland iyo wafdi uu kamid yahay Cabdiqaybid oo booqday degaan xalay lagu dagaalamay (Sawiro)
Turkiga ayaa ku dhawaaqay hawlgal milatari oo ka dhan ah Argagaxisada
Guddiga doorashooyinka jubbaland oo kordhiyeey wakhtiga isdiwaangalinta Musharixinta (Akhriso)

Munaasabad ka dhacday magaalada Manama ayaa wadamada Baxrayn iyo Israel waxay kala saxiixdeen xiriir diblomaasiyadeed oo buuxa. Labada dalna waxaa hadda la filayaa inay dib u furaan safaarado.

Heshiiska oo Mareykanka uu garwadeen ka yahay ayaa lagu saxiixay caasimadda Baxreyn, ee Manama, maalinkii Axadda.

Muddo tobanaan sano ah, dowladaha carabta badankood waxay qaadaceen Israel, iyagoo ku adkeysanaya inay dhisi doonaan oo kaliya xiriirkooda kadib markii la xaliyay khilaafka Falastiin

Baxrayn hadda waa waddankii afaraad ee carbeed ee bariga dhexe kadib markii dalalka sida Imaraadka carabta, Masar iyo Urdun ay aqoonsadeen Israel tan iyo aasaaskeedii 1948.

Xiriiradaan diblomaasiyadeed ayaa waxaa cambaareeyay Falastiiniyiinta , waxayna ku tilmaamen mid dhabar jebin ah.

Warbaahinta Israel ayaa tabisay in dukumiintiga aysan ku jirin wax tix-raac ah oo ku saabsan khilaafka Israa’iil iyo Falastiin.

Wasiirka Arimaha Dibada Baxrayn Abdullatif bin Rashid Al-Zayani ayaa khudbad uu jeediyay ku sheegay inuu rajaynayo “iskaashi miro dhal ah oo dhinac walba ah in uu dhexmaro labada dal.”

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: