GAALKCAYO: Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland iyo wafdi uu kamid yahay Cabdiqaybid oo booqday degaan xalay lagu dagaalamay (Sawiro)

GAALKCAYO: Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland iyo wafdi uu kamid yahay Cabdiqaybid oo booqday degaan xalay lagu dagaalamay (Sawiro)

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Faderalka iyo Dimuqradiyeynta DPL Maxamed Dhabancad, iyo wafti uu hogaaminayo oo socdaal Nabadeed ku tagay Deeganka Teerage ee Galbeedka Magaalada Gaalkacyo.

Kadib dagaalkii ka dhacay deegaankaTeerage ee Galbeedka Magaalada Gaalkacyo, waxaa maantay shir xabad joojin ah isugu yimaadey Madax DPL iyo GM, waxaana Waftiga Galmudug Hogaaminayey Senator Cabdi Xasan Cawaale Qaybdid, Masuuliyiin iyo xildhibaano kawada tirsan Dowladda Puntland iyo Feederaalka, waxagaradka iyo nabadoonada labada dhinac, ururadda dhalinyada PL iyo GM, Shirkaan oo ka dhacay gudaha Teerage, waxaana looga wada hadlay

1. Xabad joojin deg deg ah oo ka hirgasha deegaanka Teerage ee Galbeedka Galkayo

2. Waxaa kaloo la qabtay Guddi hubinaya hirgalinta xabad joojinta iyo diyaarinta gogol nabadeed

3. Waxaa kaloo lagu heshiiyey in si deg deg dib loo bilaabo wada hadalada nabadeynta Gobolka Mududg

Odoyaasha, Waxgaradka iyo Nabadoonada labada Dhinac ee Puntland iyo Galmudug oo madasha ka hadlay ayaa soodhaweeyey aqbalayna in xabad joojintaasi qaybtood ka qaadan doonaan.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL mudane Maxamed Dhabancad oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in ka Dowlad Puntland ahaan, ay la shaqeyn Doonaan Guddi hubinaya hirgalinta xabad joojinta iyo diyaarinta gogosha nabadeed ee laisla qaatay, isagoona sheegay inaysan jirin wax Naba la dhaafsan karo, diyaarna uyahay inuu ka shaqeeyo nabada iyo wada noolanshaha Gobalka Mudug.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com