Turkiga ayaa ku dhawaaqay hawlgal milatari oo ka dhan ah Argagaxisada

HomeWararka

Turkiga ayaa ku dhawaaqay hawlgal milatari oo ka dhan ah Argagaxisada

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa sheegay in dhawaan uu billaabi doono howlgal cusub oo militari oo laga sameyn doono xadka dhanka

Wasiir laga helay Cudurka Coronavirus
Siyaasi Aadan Maxamed Guhaad: “Ma jirto waddo lagu baajin karo dagaal Puntland & Somaliland” (dhegayso)
Maxaa saldhig u ah sicir-bararka deegaannada Puntland, sideese xal loogu heli karaa?

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa sheegay in dhawaan uu billaabi doono howlgal cusub oo militari oo laga sameyn doono xadka dhanka koonfureed, si loola dagaallamo khatarta argagixisada ee halkaasi ka jirta.

Bartilmaameedka ugu weyn ee howlgalkan ayaa noqon doona in dib loo bilaabo dadaallada lagu abuurayo aag nabdoon oo 30-km ama (20-mile) ah oo ku teedsan xudduudda Turkiga uu la wadaago Suuriya, ayuu Erdoğan ku sheegay khudbad telefishanka dalkaasi laga sii daayay.

Ma uusan bixin faah faahin intaas ka dheeri ah, balse wuxuu sheegay in howlgallada la billaabi doono marka ay dhameeyaan diyaar garowga ciidamada,kuwa sirdoonka iyo nabadsugidda.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: