Bankiga Adduunka oo 9 Milyan oo doolar ku maalgalinaya kaabayaasha dhaqaalaha Garoowe iyo magaalooyinka kalle ee Koonfurta Soomaaliya

HomeWararka

Bankiga Adduunka oo 9 Milyan oo doolar ku maalgalinaya kaabayaasha dhaqaalaha Garoowe iyo magaalooyinka kalle ee Koonfurta Soomaaliya

Dowladda Faderaalka Soomaaliya iyo Bankiga Adduunka ayaa daah furay mashruuc lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqalaaha ee Soomaaliya oo ay ku kacayso 9

Ciidanka Amniga Garoowe oo qabtay Rag laga shakiyaay (dhegayso)
Dowladda Shiinaha ayaa sheegtay in markab dagaal oo uu Mareykanku leeyahay uu si sharci darro ah u galay biyahooda u dhow jasiiradaha lagu muransan yahay ee Badda Koonfurta Shiinaha.
Maamulka Somaliland oo shaaciyeey kisaas cusub oo Covid-19 ah

Dowladda Faderaalka Soomaaliya iyo Bankiga Adduunka ayaa daah furay mashruuc lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqalaaha ee Soomaaliya oo ay ku kacayso 9 milyan oo doolar, taasi oo uu tilmaamay inay tahay tijaabadii ugu horaysay ee maalgalineed ee kaabayaasha dhaqaalaha oo Bankigu bixiyo.

“Kaalinta Bankiga Adduunka ee Soomaaliya waxaa ka shaqaynta  dhismaha iyo awoodda dowladnimo, si loo fidiyo horumarka iyo isbadalka” ayuu yiri Wakiilka Bankiga Adduunka ee Soomaaliya Hugh Ridell.

“Mashruuca SURP waxaa uu noo ogolaanayaa inaan bilowno ka shaqaynta magaalooyinka iyo baahinta mashaariicda dalka oo dhan” ayuu yiri Ridell.

Mashruuca lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaahe e lagu taagerayo dowladaha hoose ayaa wajigiisa hore laga fulin doonaa Garoowe iyo Muqdisho, waxaana sidoo kalle lagu sii baahin doonaan Kismaayo iyo Baydhabo, waxaana magaalooyinkan loo xushay inay yihiin kuwa ugu badan ee barakacyaasha ay kusoo laabanayaan.

Hadalka Bankiga Adduunka ayaa kusoo beegamaya iyadoo dowladda Jarmalka ay sheegtay lacag dhan 23.4 milyan oo doolar inay ugu deeqayaan mashaariicda Jarmalka ee Soomaaliya.

 

 

 

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: