Maamulka Somaliland oo shaaciyeey kisaas cusub oo Covid-19 ah

HomeWararka

Maamulka Somaliland oo shaaciyeey kisaas cusub oo Covid-19 ah

19 kiis oo cusub oo COVID19 ayaa Somaliland laga helay, halka laba ruux u dhinteen cudurka, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadku. Tirada guud ee

Madaxweyne Deni oo Garoowe ku qaabilay Ciyaartoy iyo Dhaqaatiir ka socda Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Australia (daawo)
Xulashada Daljir & Axmed Sheekeeye, Daljir Garoowe (dhegayso)
Xubinta Sicirka Iyo Suuqa Burtinle

19 kiis oo cusub oo COVID19 ayaa Somaliland laga helay, halka laba ruux u dhinteen cudurka, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadku.

Tirada guud ee dadka laga helay ayaa gaaray 87 kiis, halka dhimshadu gaadhay 8 qof.

Dadka laga helay cudurka waxaa ku jiray qof da’diisu ay tahay dhawr iyo toban jir.

Dadkan cusub ee cudurka laga helay ayaa lala jooga; Hargeysa iyo Boorama.

Da’da Bukaanadan cusub waxa ay u dhaxaysaa:
(10jir ilaa 20jir = 1 qof)
(20jir ilaa 30jir = 2 qof)
(30jir ilaa 40jir = 1 qof)
(40jir ilaa 50jir = 4 qof)
(50jir ilaa 60jir = 6 qof)
(60jir ilaa 70jir = 5 qof)

Bukaanadan waxa 13 degen yihiin Gobolka Maroodi Jeex – Hargeysa, halka 6 qofna degen yihiin Gobolka Awdal – Boorama.

Waxaa xanuunka ka bogsaday 1 qof taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay sideed (8)

Waxaa geeriyooday laba qof oo da’doodu ahayd 76jir iyo 52jir taasi oo ka dhigaysa dadka xanuunkan u dhintay Somaliland sideed (8).

Labada bukaanba ee geeriyooday xanuuna kale yaa u weheliyey xanuunka.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: