Dowladda Shiinaha ayaa sheegtay in markab dagaal oo uu Mareykanku leeyahay uu si sharci darro ah u galay biyahooda u dhow jasiiradaha lagu muransan yahay ee Badda Koonfurta Shiinaha.

HomeWararka

Dowladda Shiinaha ayaa sheegtay in markab dagaal oo uu Mareykanku leeyahay uu si sharci darro ah u galay biyahooda u dhow jasiiradaha lagu muransan yahay ee Badda Koonfurta Shiinaha.

Beijing ayaa intaas ku dartay in ciidanka Shiinaha ay durbadiiba baacsadeen markabkaas oo si khasab ah dib loogu celiyay, sida ay tebisay Wakaaladda W

Nabadoon Xarago oo haddal kajeediyeey Munaasabada soo dhaweynta Musharax Shirwac
Roobab Lagu Diirsaday oo Ka Da’ay Gobolka Sanaag (Waraysi)
Wararkii ugu dambeeyay ee xaalada Galmudug iyo Odayaal ka cabanaya liiska Xildhibaanada

Beijing ayaa intaas ku dartay in ciidanka Shiinaha ay durbadiiba baacsadeen markabkaas oo si khasab ah dib loogu celiyay, sida ay tebisay Wakaaladda Wararka ee Reuters.

Maraakiibta dagaalka ee Mareykanka ayaa dhoollatus iyo tababarro joogto ah ka sameeya biyaha Badda Koonfurta Shiinaha, arrimahaasoo ay Washingtong ku tilmaanto howlgallo ku saabsan dhaqdhaqaaqyo xor ah.

Mareykanka ayaa sheega in Shiinaha iyo waddamada kale ee sheegta lahaanshaha biyahaas ay hor joogsadaan in aaggaas la maro.

Maalintii Isniinta ahayd ayay ku beegnayd sanad guuradii lixaad ee kasoo wareegtay markii ay guddi caalami ah soo saareen go’aan ay ku diideen sheegashada Shiinaha ee Badda Koonfurta Shiinaha.

Ganacsi ku kaca ilaa saddex tirilyan oo doolar ayaa sanad walba laga sameeyaa biyaha baddaas.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: