Baarlamaanka Koofur Galbeed oo muddo kordhin u sameeyay Madaxweyne Lafta Gareen

HomeWararka

Baarlamaanka Koofur Galbeed oo muddo kordhin u sameeyay Madaxweyne Lafta Gareen

Baarlamaanka Koofur Galbeed ayaa muddo kordhin oo hal sano ah u sameeyay Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen), iyadoo isa

Ciidanka dowladda oo la wareegay gacan ku heynta degaanka Masjid Cali Guduud
Wararkii ugu dambeyay ee xaalada Guriceel & Dadkii ka barakacay oo dib ugu soo laabtay
Madaxwayne Farmaajo oo la shiray guddoomiyeyaasha degmooyinka Banaadir

Baarlamaanka Koofur Galbeed ayaa muddo kordhin oo hal sano ah u sameeyay Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen), iyadoo isaga iyo Baarlamaanka ay isku mar dhici doonaan.

Mooshin ay keeneen Xildhibaano gaaraya 33 Xildhibaan oo lagu dalbanayay muddo kordhin xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa waxaa loo qaaday cod gacan taag ah.

Xildhibaanada ayaa si aqlabiyad leh u meel mariyay muddo kordhinta Madaxweynaha Koofur Galbeed oo hal sano ah, iyadoo dhamaadkii sanadkii 2018 loo doortay xilkaas.

Kulankan oo ay soo xaadireen 87 Xildhibaan ayaa ahaa mid si guud ah xildhibaanada ay ugu codeeyeen mooshinka muddo kordhinta ah.

Baarlamaanka iyo Madaxtooyada ayaa muddo xileedkooda ahaa kuwo aan isku waqti aheyn, waxaana mar walba la hor-dooranayay Madaxweynaha, halka Xildhibaannada Baarlamaanka la soo xulayay doorashada Madaxweynaha kaddib.

Hase ahaatee wixii hadda ka dambeeya Madaxweynaha iyo Baarlamaanka ayaa isku waqti dhici doona, muddo xileedkooda yahay mid isla siman, waxaana taas ka dhigan tahay in Madaxweyne Lafta Gareen inuu xilka sii heynayo illaa 2024 oo xilligaas Baarlamaanka cusub ee dhowaan la soo xulay uu waqtigiisa ku eg yahay.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: