Baarlamaanka Ciraaq oo Ansixiyay qaraar ciidamada Mareykanka looga saarayo Ciraaq

HomeWararka

Baarlamaanka Ciraaq oo Ansixiyay qaraar ciidamada Mareykanka looga saarayo Ciraaq

Baarlamaanka dalka Ciraaq ayaa waxay ansixiyeen qaraar ku baaqaya in ciidamada shisheeye ay dalka ka baxaan, kadib dilkii Jeneraal Qasem Soleymaani.

Gudoomiyaha Degmadda Ceelbuh ee Gobalka Sanaag oo ka hadlay eedeymo loo jeediyeey (dhegayso)
Garoowe oo lagu soo gabagabeyeey Shirki Afaraad ee Amniga Caasimada (dhegayso)
Madaxwaynaha Puntland oo Danjire Keating u sheegay in “Puntland ay xoreynayso dhulkeeda” (sawiro)

Baarlamaanka dalka Ciraaq ayaa waxay ansixiyeen qaraar ku baaqaya in ciidamada shisheeye ay dalka ka baxaan, kadib dilkii Jeneraal Qasem Soleymaani.

Baarlamaanka Ciraaq ayaa sidoo kale ansixiyey qaraar ka mamnuucaya ciidamada shisheeye ee ku sugan Iraq in aysan iscticmaali karin dhulka, cirka iyo biyaha Ciraaq, bilaa amar ama sabab la’aan.

Qaraarkan ay maanta ansixiyeen baarlamaanka Ciraaq ayaa waxaa aqalka geeyay Rai’sul Wasaare Caadil Cabdul Mahdi oo ku baaqayay in la soo afjaro joogitaanka ciidamada shisheeye ee dalka Ciraaq oo ay ugu horreeyaan  ciidamada Mareykanka (USA).

Mareykanka ayaa Ciraaq ku leh safaaradda adduunka ugu weyn, kuna taal daanta wabiga Tirgis. Safaaradda ayaa baaxadeedu tahay 90,469 square meters (104 acres/42 ha), waxaana markii ugu badnaa ka hawgalay 16 kun oo shaqaale. Dhanka ciidamada,  Ciraaq waxaa ka hawlgala ciidamo Mareykanka oo lagu qiyaasay 5,000.

Raysal Wasaare Cadil Cabdul Mahdi ayaa khudbad uu maanta ka jeediyay Baarlamaanka waxa uu ka sheegay in go’aankani uu yahay mid u wanaagsan Ciraaq iyada oo ay jirto dhibaatada gudaha iyo dibadda ee uu dalka wajahayo

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: