Madaxwaynaha Puntland oo Danjire Keating u sheegay in “Puntland ay xoreynayso dhulkeeda” (sawiro)

Madaxwaynaha Puntland oo Danjire Keating u sheegay in “Puntland ay xoreynayso dhulkeeda” (sawiro)

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  ayaa Maanta oo ay taariikhdu tahay  25 July 2018 waxaa uu xafiiskiisa kulan kula qaatey wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Danjire Michael Keating.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa   kulanka uu maanta la qaatey Danjire Michael Keating waxaa ku wehelinaye Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Horumarinta Reer Miyiga, Wasiirka Deegaanka iyo isbedalka Cimilada, Wasiirka Wasaarada Qorsheynta iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Madaxeynaha Dawladda oo kulanka kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo booqashada uu Danjire Michael Keating ku yimi Caasimada Dawladda Puntlan ee Magaalada Garoowe,

“Waxaan maanta halkaan ku qaabilnay Danjire Michael Keating  oo ah wakiilka xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey Soomaaliya u qaabilsan oo runtii aan si dhow u wada shaqeenayney mudo sadex sano ku dhow, Danjire Michael Keating waxa uu noogu yimid shaqda ay UN- ku ka hayaan Puntland guud ahaan dhammaanteed in aan iska wareeysano nabadeentii kasocotay  Gaalkacyo, horumarka hay’adaha kala duwan ee UN-ku ka hayaan Puntland, nabadgalyada guud ee dalka Soomaaliya, Soomaaliya xaaladeeda guud, hanoqoto dhan ciidan, dhismaha ciidamada Soomaaliya, hanoqoto arrimaha dhaqaalaha iyo waxyaabihii ugu danbeeyay ee kasoo baxay shirkii lagu yeeshay Brussles bishaan gudeheeda ee aan hada ka nimaadnay, waxaasoo dhan baan ka wada hadlanay “ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Dhinaca kale Danjire Michael Keating oo hadal kooban la wadaagay warbaahinta ayaa uga mahad naqay Madaxweynha Dowldda Puntland kulanka uu kula qaatey xafiiskiisa, isla mar’ahaantaana ku bogaadiyey Puntland horumarka baaxada leh ee ka socda mudada kooban ee madaxweynuhu uu xilka hayey, sidoo kalena Danjire Michael Keating ayaa sheegay in Madaxweynha Dowladda ay kawada hadleen arrimaha siyaasda Soomaaliya, Amniga gobolka iyo xaalada deegaanka Tukaraq.

Danjire Michael Keating ayaa aad u bogaadiyay xaalada amni ee Gobolka Mudug wuxuuna amaan usoo jeediyay ciidamada isku dhafka ah ee labada dhinac oo uu sheegay in ay qabteen shaqo aad u muhiim ah isla’amarakana aan laga cabdsi qabin xaalad amni darro oo kasoo cusboonaata Gobolka Mudug, sidoo kale Danjire Michael keating ayaa sheegay in Qaramada midoobay ay arinta gobolka Sool ka telagelin doonto odayaasha iyo dadka deegaanka si ay qayb uga noqdaan go’aan ka gaadhista masiirkooda.

Ugu danbeyn Madaxweynha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in ay ka wada hadleen asaga iyo Danjire Michael Keating xaalada Tukaraq waxaana uu madaxweynuhu si cad ugu sheegay Danjire Michael Keating mawqifka ay Puntland ka taagan tahay xaalada deegaanka Tukaraq oo uu Maamulka Soomaaliland ku soo duulay,  isla’markaana waxaa uu madaxweynuhu sheegay inta taako Puntland ka tirsan ay Soomaaliland joogto in aysan nabadi dhacayn, Puntland na ay xoreynayso dhulkeeda.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 3
  • Wll ahmadow gaas go’aan na khatali kara inuusan qaadanayn banu ognhy amase ku kolsonhy
    4.5 hadii la diido markii horaba faa ido uma arkin hadana saa maqal nay saxiix baa laga rebay
    Gaas hanoolado

  • Baryahan madaxwayne GAAS,hadalo kulkulul buu tuurahayaa,inkastoo lagayaabo inay dadka qaar kusoo xasuustaan,mawqifkii hore iyo saxiixii kuxigay,arimo ay kamid ahaayeen,4.5,jiritaanka Galmudug,iyo arimo ku taxaluqay constitution ka DFS,inkasta oo hadana madaxwaynaha wuxuu xukumaa dad madaxda aad u karaameeya oo iska hor imaadka ficiladiisa iyo qawlkiisa sabur badan u leh,

  • NuurkaNederland 6 years ago

    NUURKA.
    POLITICAL ANALYST.
    WAA KUMA MICHAEL KEATING?.
    WAA NINKA AY HOOS TAGAAN ISIS, ALSHABAB, DFS, & M/GOBOLEEDADA.
    WAA GUUMEYSTE SHAATI SHARCIYEYSAN LOOSOO GALIYEY SABABTA MEESHA UU U JOOGAANA AY TAHAY IN SOMALIYA AYSAN HOREY U SOCON, WAA NINKA FUDUDEEYA BILILIQADA KHAYRAADKA DALKA,WAA NINKA WIXII DEEQA EE DUNIDU UGU SOO DHIIBTO KU DUL CUNA SHACABKA KORKIISA(XALANE)WAA NINKA GAME-ka AMISOM & ALSHABABKA & ISIS-ta AY SOOMAALIYA KU DHEELAYAAN KU BIXIYA DHIBCAHA(KU KALA ABAALMARIYA).
    MICHAEL WAA NINKA KA MASUULA QARAXYADA, DILKA & AMAANDARADA SOOMAALIYA. WAA NINKA JEEBKIISA AYKU DHACDO 94.5%WIXII DALKA SOO GALA. HALKA DFS QAADATO 5.5%.
    WAA MUSUQMAASUQA AABIHII WAA NIN AY AHAYD IN LAGU MAXKAMADEEYO JAA’IFADA DADKA & DALKA UU U GEYSANAYO, AMA LAGA ERYO DALKA.
    XAQIIQDII MICHAEL KEATING WAA NINKA (USA & UK) USOO XILSAARTEEN LUGOOYADA SOOMALIYA. SOMALIYANA AYSAN WAX HORUMARA SAMAYN, WHY? HADAY SOMALIYA HORUMAR SAMAYSO WAXAY KA FAA’IIDAYSANAYSAA QAYRAADKEEDA TA LOO DIIDAN YAHAY EE MICHAEL LAGULA SOO BALAMAY WAATAAS.
    SIDOO KALE GOOBAHA UGU QAYRAADKA BADAN WAXAY KU BEERTEEN ISIS & ALSHABAB SI SOMALI UGA FIIGTO LKN IYAGU HABEENKII BAY HELUKAPTARO KU GURTAAN.
    CIA,MI6, MOSSAD ARE ISIS & ALSHABAB.
    DAELERS=QANDARAASLEYAAL KU MAMAY DHIIGEENA & KHAYRAADKEE NA.
    HA ILAAWIN DIGNIINTAYDII:
    ISIS=ISRAELI SECRET INTELLIGENCE SERVICE.
    IS ISIS GOOD FOR THE JEWS=ISRAELI.
    ISIS LEADER ABUBAKR ALBAGHDADI EX NAME ELLIOTE SHIMON 100%HE WAS MOSSAD AGENT. ISN’T MOSLIMS.
    MOSSAD FINGERPRINTS ON PARIS ATTACK.
    DID MOSSAD DO CHARLIE HEBDO.
    ISIS THEY NEVER ATTACK ISRAEL!WHY NOT? ISIS MADE IN ISRAELI.
    TOILET PAPER.

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com