Garoowe oo lagu soo gabagabeyeey Shirki Afaraad ee Amniga Caasimada (dhegayso)

Garoowe oo lagu soo gabagabeyeey Shirki Afaraad ee Amniga Caasimada (dhegayso)

Magaalada Garoowe waxaa lagu soo gaba gabeeyay shirkii Afraad ee looga hadlayay Ilaalinta Nabad-galyada gobolka Nugaal ,waxaana shirkaa uu u socday Maalmihii lasoo dhaafay .

Ugu dambayntii waxaa laga soo saaray go’aamo dhowr ah waxaana ugu muhiim sanaa in la sameeyo ciidamada xasilinta caasimada kuwaas oo ciddii ay ku dilaan howl-gal dhanka amniga ah aan cidna loo raacan doonin ,qofkii iyaga kamid ah oo dhinta ay dawladdu bixin doonto magtiisa .

1:In la sameeyo ciidammada xasilinta caasimada .

2: in ciddii ay ku dilaan howl-gal aan cidna lagu lahayn .

3: Askarigii ku dhinta howl-gal ay dawladdu bixin doonto magtiisa .

Dhammaan Nabbaddoonadii goobta ku sugnaa ayaa saxiixay go’aamada waxaana la amray la dhaqan-geliyo go’aamada sidda ugu dhakhsaha badan .

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com