Baaritaano hub sharci darro ah lagu baadi-goobayo oo maanta ka socda xaafadaha Kismaayo

Kismaayo, August 28, 2013 – Magaalada Kismaayo ee xaruunta Jubbada hoose waxaa maanta ka bilowday howlgal balaaran oo dhinaca amniga ah, kaas oo ay fulinayaan ciidamada Jubbaland iyo kuwa AMISOM.

Howgalka ayaa ah mid guri guri loogu baarayo xaafadaha magaalada Kismaayo, waxaana la arkayey saaka ciidamada isku-dhafka ah oo gelaya qaar ka mid ah guryaha.

Docda kale ciidamada ayaa hakiyey isu-socodkii gaadiidka ee xaafadaha kala duwan ee Kismaayo, waxaana muuqda in ay wada xiran yihiin xaruumaha waa weyn ee ganacsiga.

Saraakiisha maamulka Jubbaland iyo kuwa AMISOM ee howgalka wadda ayaa diirada saaraya, helista hub sharci daro ah, kaas oo la sheegay in la soo geliyey xaafadaha magaalada xeebta ah, In kastoo ay ka war heleen ciidamada amaanka gobolka.

Ciidanka ayaa lagu dhex arkayaa ilaa barqanimadii maanta xaafadaha waa weyn ee Kismaayo gaar ahaan Farjanno, Faanoole, Shaqaalaha, Calanley iyo xaafadda Guulwade.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com