BAAQ – Shirka saraakiishii hore ee ciidanka Qalabka Sida & Bilayska Soomaaliyeed. [Akhris …]

Washington DC, Aug 10 – Dawlada Federaalka KMG ah ee Soomaaliyeed iyo Xafiiska Qaramadda Midooway u Qaabilsan Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya (UNPOS) ayaa waxay shir u qabteen Saraakiishii hore ee Ciidamadda iyo Booliska Soomaaliyeed ( Waa kuwii madaxda Ciidamada ahaan jirey). Shirkaasna wuxuu ka dhacay magaalada Washimgton DC inta u dhaxeysay 1-5 August 2009.

Shirkana waxaa shir gudoominaayey Wasiirka Difaaca, Prof. Gandi iyo Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midooway u Qaabilsan Arrimaha Siyaasada Somaaliya Ahmedou Ould-Abdalla. Waxaana shirka goob joog ka ahaa Wakiilka ka socda Ururka Midowga Africa.

Ayagoo si xoog leh ugu faa?ideysanaaya waaya?aragnimadoodii hore, saraakiishii hore ee Ciidamada iyo Booliska Soomaaliyeed waxay qiimeyn adag ku sameeyeen waxyaabihii ay ku wanaagsanaayeen iyo waxyaabihii ay ku liiteen Hay?adii hore nabadgelyada ee Soomaaliyeed. Waxayna hoosta ka xariiqeen sababihii ugu waa weynaa ee keenay burburkii Hay?adihii u qaabilsanaaa Somaliya Nabadgelyada, kadibna waxay soo jeediyeen Habkii iyo Wadiiqooyinkii loo mari lahaa soo celinta Nabadgelyada.

Waxaa kale oo ay Saraakiishii hore ee Ciidamada iyo Booliska Soomaaliyeed isla eegeen habkii loo dhisi Hay?adaha Nabdgelyada Soomaaliyeed iyadoo la raacaayo heshiiskii ku aadanaa Joojinta Iska Hor Imaadyada Hubeysan taasoo qeyb ka ahayd heshiiskii Nabadeed ee Jabuuti.

Shirka wuxuu tali ku soo jeediyey habkii ama siyaasadii loo qaadi lahaa talaabooyin iyo ficilo la taaban karo kuwaasoo ay ka mid yihiin:

1. In Farsamo ahaan la dhiso Hab Nabadgelyo ee Haboon iyo Ciidamadda Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.
2. In wax laga qabto dhibaatada la xiriirta Xag-jirnimada iyo Burcad-badeednimada.
3. In lala yimaado Habkii loo sameyn lahaa Hub ka dhigis, Abaabul ka saarid iyo Dhaqan Celinba.

Ka qeybgalayaaha Shirka waxay ugu Mahadceliyeen Dawlada FKMG ah ee Soomaaliyeed sida ay ula xiriireyso dhamaan Ummadda Soomaaliyeed kuwaasoo wax ku kordhin kara dadaalka Xukuumada ay wado ee ay ku dooneyso inay ku soo celiso Nabada iyo Amniga Soomaaliyeed. Ka qeybgalaaysha Shirku waxay cadeeyeen sida ay diyaarka ugu yihiin una doonayaan inay u adeegaan ama ugu shaqeeyaan Dawlada Federaalka KMG ah ee Soomaaliyeed waa haddii ay Xukuumada Codsato e.

Ka qeybgalayaasha shirku waxay ugu baaqeen Xukuumada KMG ah ee Soomaaliyeed inay texgeliso habkay u adeegsan lahayd ugana qeybgelin lahayd Saraakiishii Hore ee Sarsare ee Cidaamada Qalabka Sida iyo Booliska iyo saraakiishii yaryaraaba inay ka mid noqdaan hay?adaha Nabadgelyada ee Qaranka. Waxayna ku dhiirigeliyeen Qaramadda Midooway iyo Dhamaan Bulshada Caalamka inay ku taageeraan Dadaalka Dawlada ee ku aadan suurtagelinta arintan.

Saraakiishii sare ee Ciidamadii hore iyo Booliska Soomaaliyeed waxay ka mahadceliyeen dadaalka Qaramadda Midooway iyo kan Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midooway Ahmedou Oul-Abdalla ku aadan sidii hal meel looga soo wada jeesan lahaa xasilinta ama Nabad ku soo celinta Soomaaliya isla markaana looga heli lahaa taageero dhaqaale iyo Siyaasadeed bulshada Caalamka.

Ka qeybgalaaysha shirka waxay amaaneen dadaalka aan hagrashada lahayn ee Ururka Midnimada Africa iyo kan Jaamacada Carabta laguna taageeraayo nabad ku soo celinta iyo Xasiloonida Soomaaliya.

Ka qeybgalayaasha Shirku wuxuu ku heshiiyeen inay mar kale kulmaan lix (6) bilood gudahood horeyna u sii wadaan wadahadaladoodii iyo talo soo jeedinadoodii.

Donna G. Cusumano
Public Information Officer
United Nations Political Office For Somalia (UNPOS)

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com