Baaq Nabadeed – Dalladda Ururada Aan Dawliga ahayn ee Puntland (PUNSAA).

Baaq Nabadeed, Taariikh: 21/06/2011

Kulan wadatashi ah oo muddo afar maalmood ah uga socday wakiillada dalladaha aan dawliga ahayn ee Puntland ee magaceeda loosoo gaabiyo PUNSAA huteelka New Rays ee magaalada Garoowe ayaa laga soo saaray baaq nabadeed oo laga soo jeediyay colaadda ka soo cusboonaatay laba beelood ku nool gobolka Bari kuwaasoo ah walaalo, isla markaana ood wadaag ah horayna colaadi u dhex-martay.

Ka dib markii wakiillada dallada ururrada aan dowliga ahayn ee Puntland PUNSAA oo ka kala yimid siddeedda gobol ee Puntland ay arkeen kana fekereen xaaladda khatarta ah ee dhalatay colaadda soo noqnoqtay iyo khasaaraha nafeed ee ka dhashay colaaddaas, iyo walaaca laga qabo cawaaqibka xun ee yeelan karto mustaqbalka dhowba, waxaa ururrada aan dowliga ahayn waxaa ay baaq nabaded ku soo jeediyeen:

1. In si shuruud la?aan ah oo degdeg ah loo joojiyo xabbadda iyo colaadaha soo noqnoqonaya ee u dhaxeeya beelaha walaalaha ah ee wada dega gobolka Bari gaar ahaan degmooyinka Ufayn iyo Boosaaso, kuwasoo dhacdooyinkii u denbeeyey ee colaadeed ay ka dhaceen ay shalay iyo xalay magaalooyinka Boosaaso iyo Kob-dhaxaad ee degmada Ufayn, halkaasoo dad aan waxba galabsan loogu geystay dil iyo dhaawac.

2. Ururada aan dowliga ahayn waxay ereyada ugu culus ku cambaaraynayaan falalkaas colaadeed ee nasiib darrada ah, iyaga oo ka xun xad-gudubyada ka dhashay colaaddaas hubaysan, sida dilka iyo dhaawaca loogeystay muwaadiniin aan hubaysnayn oo rayid ah oo aan waxba galabsan, iyo nabadgelyo xumada iyo xasilooni darrada lagu dhex-abuuray dadka deggan degaannada colaaddu ka taagan tahay.

3. Ururada aan dowliga ahyn ee Puntland waxay ka codsanayaan dawladda Puntland in ay tallaabada uga aaddan ee waajibka ah ay ka qaadato degdeg u joojinta colaadda taagan iyo hirgelinta xabbad-joojin dhaqso lagu gaadho.

4. Waxay qaylo dhaan u dirayaan kuna boorrinayaan isimmada, nabaddoonnada iyo samo-jeclaha Puntland in ay u istaagaan qaboojinta iyo xallinta colaadda taagan.

5. Ururada aan dowliga ahayn waxay u arkaan sii socoshada colaaddan ka dhex aloosan beelaha walaalaha ah mid halis weyn ku ah amniga, nabadda, wada-noolaanshaha iyo midnimada dadweynaha Puntland oo ku can-baxay walaalnimo, ehelnimo, wada-noolaansho ku dhisan is-xaq-dhawr, iskaashi, nabad jacayl iyo midnimo. Colaadda taaganna waa mid dhabar-jabinaysa dhaqanka nabadeed ee bulshada Puntland caanka ku ahayd.

6. In la tixgeliyo heshiisyadii nabadeed ee ay horay u gaadheen labada beelood ee colaaddu dhextaal.

7. Haddii ay sii socoto colaadda socota waxaan ka digaynnaa in ay iman karto khatar weyn oo soo wajahda amniga guud ee Puntland, iyo dhaawac gaadha wadajirka iyo horumarka ay bulshadu ku taamayso.

8. Ururrada aan dowliga ahayn ee Puntland waxay diyaar u yihiin in ay kaalin hormuudnimo oo ficil ah ka qaataan joojinta iyo dhammaynta colaadda.

Nabaddu ha guulaysato midnimada iyo walaalnimada ummadduna ha waarto.
Tawfiiqda Ilaah hanawaafajiyo.
Maamulka Sare ee PUNSAA

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com