Ardeyda Soomaaliyeed ee Bakistan oo ka Cowday Safiir Khadijo Maxamed Almaqsuumi

Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Dalka Bakistaan ayaa sheegay in ay haystaan dhibaatooyin kala duwan kuwaas oo ay ka mid yihiin helitaanka waraaqaha dal ku joogista, xarig loo geysto sabab la’aan, qiimaha dhigashada jaaamacadaha oo qaali ah, iyo kalasooc lagu sameeyo ardeyda dhexdeeda, waa sida ay sheegeen e, waxayna arrimahaan intooda badan ku eedeeyeen Safaarada Soomaaliya ee dalka Bakistaan.

Hadaba si aan wax uga ogaano cabashada ardayda waxaan khadka taleefoonka kula xiriiray labada arday ee kala ah Axmed Xasan iyo Aadan Cabdi Yaasiin oo labaduba ku sugan magaalo madaxda Bakistaan ee Islamabaat.

Waxaa naga xusuus ah in aan dhowr jeer isku dayey in aan la xiriiro Safiirka Soomaaliya ee Dalka Bakistaan Khadiijo Maxamed Almaqsuumi, laakiin marnaba taleefanka kama ay waabin.

Hoos ka dhegayso


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com