Aqalka Sare oo Dib-dhigay Ajandaha iyo Doodda Arrinka Qalbidhagax (dhegayso)

Mudanayaasha Aqalka Sare ayaa dib-dhigay ajandaha iyo doodda go’aankii xukumaddu ka qaadatay arrinta Qalbidhagax.

Kulanka maanta waxaa shir guddoomiyey Oday Cabdi Xaashi, waxaana cod loo qaaday sida laga yeelo ajande ku saabsan mowqifkii xukuumadu ay ka qaadatay arrinta la xiriirta Cabdikariin Shiikh Muuse (Qalbidhagax).

Mudanayaasha Aqalka Sare ayaa isku raacay in dib loo dhigo doodda Cabdi kariin, deedna waxaa natiijada ku dhawaaqay Gudoomiyaha Aqalka Sare, Oday Cabdi Xaashi.

Qaar kamid ah Mudanayaasha Aqalka Sare ayaa ayana aragtidooda ku cabiray go’ankii 6dii bishaan ee ka soo baxay kulankii Golaha Wasiirada.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com