AMISOM oo ka qeyb qaadaneysa fududeynta baaritaanka shilkii diyaaradda ee Bardaale

AMISOM oo ka qeyb qaadaneysa fududeynta baaritaanka shilkii diyaaradda ee Bardaale

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa markii u horeysay ka hadlay diyaaraddii maalin ka hor ku burburtay degmada Bardaale, xilli ay siday agab caafimaad oo ay laheyd Hey’ad ka shaqeysa arrimaha bani’aadanimada.

Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Francisco Madeira ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin shilkaas, kana tacsiyadeynayaan dadkii ku dhintay

“Howlgalka AMISOM ayaa soo dhoweynaya go’aanka ay gaareen hoggaamiyeyaasha Soomaaliya, Kenya, iyo Itoobiya ee ku saabsan baaritaanka shilka”ayaa lagu yiri War saxaafadeed uu soo saaray Wakiilka Midowga Afrika.

Amb. Francisco Madiera ayaa sheegay inay sii wadi doonaan wada shaqeynta ay la leeyihiin Dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya ayna taageeri doonaan baaritaanka diyaaradda.

“Waxaan taageeri doonnaa oo aan fududeyn doonnaa baaritaannada looga golleeyahay in lagu caddeeyo duruufaha ku xeeran dhacdadaas””ayuu yiri Madiera.

Wafdi ka socday dowladda Federaalka, Safiirada Itoobiya iyo Kenya ee jooga Soomaaliya ayaa shalay booqasho ku tagay degmada Bardaale oo aheyd halkii ay ku burburtay diyaaradda, si ay u qiimeeyaan shilkaas, ugana qeyb qaataan baaritaanada.

Kenya iyo Itoobiya ayaa ka mid ah dalalka qeybta ka ah howlgalka AMISOM, labadan dal ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku kala aragti duwanaa arrimaha Soomaaliya.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com