AMISOM oo dad shacab ah ku xasuuqday degmada Balcad

HomeWararka

AMISOM oo dad shacab ah ku xasuuqday degmada Balcad

Ciidamada AMISOM ee ka howlgala degmada Balcad ayaa maanta gudaha degmada waxa ay ku dileen sadax qof oo shacab ah ,xili ay ka soobaxeen ciidamada xer

Ciidanka Nabad Sugidda Soomaaliya oo Muqdisho howlgal ka sameeyay
BAYDHABO iyo sara-u-kac ku yimid qiimaha lagu raaco gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaano Bajaajta
Liiska Xubnaha Golaha deegaanka ee degmada Eyl kusoo baxay (daawo)

Ciidamada AMISOM ee ka howlgala degmada Balcad ayaa maanta gudaha degmada waxa ay ku dileen sadax qof oo shacab ah ,xili ay ka soobaxeen ciidamada xero milatari oo ku talaay  degmada .

Sadaxdan qof oo ay ciidamadu dileen ayaa mid kamid ah waxaa dusha ka maray gaari beeba ah oo ay ciidamadu wateen.

Dadka ku dhaqan degmada Balcad ayaa maanta dhigay dibad bax balaaran oo ay uga soo horjeedaan dilalka ay AMISOM ugaysanayso dadka shacab ka ah .

Majirto wax war ah oo ka soo baxay dhanka maamulka degmada Balcad iyo Saraakiisha ciidamada AMISOM.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: