Ra’iisul Wasaaraha oo shaqo joojin ku sameeyay Wasiir ka tirsan Xukumadiisa

HomeWararka

Ra’iisul Wasaaraha oo shaqo joojin ku sameeyay Wasiir ka tirsan Xukumadiisa

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa shaqo joogin ku sameeyey  maanta Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo

R/W Xigeenka DFS oo Tacsiyadeeyay Fanaanadii caanka ahayd ee Sahra Axmed oo Geeriyootay
Saaka & Dunida iyo Khadar Cawl Ismaaciil, Daljir Garoowe (dhegayso)
Xulashada Daljir iyo Ayaanle Cabdullaahi Jaamac, Daljir Caabudwaaq (dhegayso)

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa shaqo joogin ku sameeyey  maanta Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha xukumadda Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Khaliif Diiriye.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa la ogeysiiyay Wasiirka iyo Wasiiru dowlaha ganacsiga Soomaaliya, iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmajo in shaqo joojin lagu sameeyay Wasiir ku xigeenka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha.

Lama oga sababta rasmiga  ah ee ka dambeysa shaqo joojintan lagu sameeyay Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga Soomaaliya.

Warar ay helayso idaacada Daljir ayaa sheegaya in Wasiirkan lagu tuhunsan yahay in uu ku lug leyahay lacago been abuur ah oo lagu qabtay dhawaan garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Ma aha markii ugu horaysay oo uu shaqo joojin uu ku sameeyo Ra’iisul Wasaaraha  xubno ka tirsan golihiisa Wasiirada .

 

 

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: