Dowladda Soomalaiya oo Warsaxaafadeed ka soo saartay duqan ka dhacday gobolka Mudug

Warsaxaafadeed ka soo baxay Xukuumada Soomalaiya ayaa lagu faah faahiyay duqayn diyaaradeed oo ka dhacday gobolka Mudug gaar ahaan degmada Xarardheere.

“Dawladda Soomaaliya oo gacan ka helaysa Saaxiibo Caalami ayaa agaasintay hawlgal qorshaysan oo lagu beegsaday Saldhig ay Argagixisada Alshabaab ku lahayd agagaarka Degmada Xarardheere ee Gobalka Mudug.

Hawlgankaan oo si wanaagsan ula kulmay ujeedadii laga lahaa ayaa lagu dilay ku
dhawaad 70 ka tirsan Alshabaab kuwaas oo isku diyaarinayay weeraro argagixiso oo ay
ku waxyeelaynlahaayeen Shacabka Soomaliyeed.

Dadka ku dhintay hawlgalkaan waxaa ku jira Horjoogayaal sarsare oo kuwo ku
takhasusay maleegista falalka waxyeelaynta maatida ee Kooxdu ku mashquulsantahay,
mana jirto waxyeelo soo gaartay Shacabka Soomaaliyeed maadaama bartilmaameedku
ahaa Sal-dhig ay isku uruursanayeen Maleeshiyada Shabaab.

Dawladda Soomaaliya waxeey u mahadcelinaysaa Bulshada Deegaanka iyo Saaxiibada caalamiga ah oo la’aantood aanu suurtagal noqdeen hawlgalkaan.

Dawladdu iyada oo kaashanaysaa Shacabkeeda iyo saaxiibada Caalamiga ah waxeey xaqiijinaysaa in ay ka go’antahay sii labanlaabista Weerarada Kooxaha Sharwadayaasha  ah ee ku hawlan in ay waxyeeleeyaan Shacabka Soomaaliyeed.

Dawladda Soomaaliyeed waxeey ugu baaqaysaa Qaybaha kala duwan ee Shacabka Soomaaliyeed in ay ka qaybqaataan Dagaalka ka dhanka ah Kooxaha Nolol-diidka ah, sidoo kale waxeey ka codsanaysaa Saaxiibada Caalamiga ah in ay sii kordhiyaan garab- istaagooda Dawladda iyo shacabka Soomaaliya si looga guulaysto Argagaixisada Soomaaliya ku nuumanaysa.

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com