Ciidanka Nabad Sugidda Soomaaliya oo Muqdisho howlgal ka sameeyay

Ciidanka Nabad Sugidda Soomaaliya  oo Muqdisho howlgal ka sameeyay

Xalay gelinkii dambe Ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliya ayaa howlgal ka sameeyay Xaafadda Taleex ee Degmada Hodon,halkaas oo ay ka xir xireen dhallinyaro aad u badan.

Ciidamada ayaa guri guri u galayay xaafadda Taleex,iyaga oo howlgalka kaddib dhallinyaro badan isugu geeyay goob fagaare ah,halkaas oo ay kula hadleen Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo Siyaasadda Gobolka iyo Guddoomiyaha Degmada Hodon.

Maxamed Cabdullahi Tuulax ayaa dhallinyarada u sheegay in uusan jirin qof la saarayo dambi uusan gelin,islamarkaana kaliya Ciidamada ay baaritaan qof qof ah ku sameynayaan.

Waxaa kale oo uu sheegay in howlgalka uusan ku ekeyn degmada Hodon iyo Xaafadda Taleex ee guud ahaan laga sameynayo dhamaan degmooyinka Magaalada Muqdisho.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com