Site icon Radio Daljir

AMISOM oo dad shacab ah ku xasuuqday degmada Balcad

Ciidamada AMISOM ee ka howlgala degmada Balcad ayaa maanta gudaha degmada waxa ay ku dileen sadax qof oo shacab ah ,xili ay ka soobaxeen ciidamada xero milatari oo ku talaay  degmada .

Sadaxdan qof oo ay ciidamadu dileen ayaa mid kamid ah waxaa dusha ka maray gaari beeba ah oo ay ciidamadu wateen.

Dadka ku dhaqan degmada Balcad ayaa maanta dhigay dibad bax balaaran oo ay uga soo horjeedaan dilalka ay AMISOM ugaysanayso dadka shacab ka ah .

Majirto wax war ah oo ka soo baxay dhanka maamulka degmada Balcad iyo Saraakiisha ciidamada AMISOM.

 

Exit mobile version