AMISOM iyo Dowladda Federaalka oo xalinaya dagaal u dhexeeya beelay degan gobolka Hiiraan

Deefow, August 30, 2013 – Madax kala duwan oo isugu jira kuwa maamulka gobolka Hiiraan, saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM iyo waxgarad ayaa gaaray deeganada Deefow iyo Kabxanley ee gobolkaas.

Booqashada madaxda kala duwan ayaa salka ku haysa xalinta khilaaf iyo dagaal beeleed ka tagaan deegaanka, dagaalka ayaa u dhexeeya Afar beelood oo wadda-dagan Kabxanley iyo Deefow.

Col. Isaaq Cali Cabdulle ayaa sheegay in ay doonayaan in ay joojiyaan xiisada collaad beleedka ah ee degaanka ka cusub, wuxuu sheegay in ay ka hortegayaan dagaalo hor leh oo dhaca.

? Axadda ayaa rajo ka qabnaa in aan xalino gebi ahaanba ?xurgufta u dhexeysa beelaha wadda-degan ee isku haysta dhul beereedka? ayuu yiri Col. Cabdulle

Masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka ayaa dhowaan gaaray deegaanka, waxaana ay ku guulaysteen in la xaliyo dagaalka u dhexeeyey beelaha, in kastoo uu dib ka soo cusboonaaday.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir?

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com