Alshabaab oo sheegay inay weraar ku dileen Askar jabuutiyan ah

Alshabaab oo sheegay inay weraar ku dileen Askar jabuutiyan ah

Wararka ka imaanaya degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal culus uu duleedka degmadaas ku dhex maray ciidanka Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Sida wararku sheegayaan dagaalkan ayaa yimid, kaddib markii Al-Shabaab ay wadada u galeen Kolonyo ay la socdeen Ciidanka Jabuuti oo marayay duleedka degmadaas.

Dagaal qaatay muddo nusa saac ah ayaa labada dhinac dhex maray, waxaana la sheegayaa inuu ka dhashay khasaare soo gaaray labada dhinac.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay dagaalka ay ku dileen illaa 13 askari ka tirsan Ciidanka Jabuuti, inkastoo Saraakiisha ciidanka dowladda ee ku sugan Jalalaqsi ay beeniyeen sheegashada Al-Shabaab, waxaana ay tilmaameen in 6 askari ay ka dhaawacantay Ciidanka Jabuuti.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com