Alshabaab oo Sheegatay Mas’uuliyadda Weerar Ka Dhacay Kenya

Alshabaab oo Sheegatay Mas’uuliyadda Weerar Ka Dhacay Kenya

War lagu qoray Warbaahinta Taageerta Al-shabaab ayaa lagu sheegay in Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya lagu dilay inta u dhaxeysa Lamu iyo Mpeketoni oo ka tirsan Kenya.

Al-shabaab ayaa sheegay in ay Beegsadeen Kolonyo Gaadiid ah oo ay saarnaayeen Ciidamada Kenya islamarkaana halkaas ay ku dileen 5 Askari oo Kenyaan ah,waxaana sidoo kale Al-shabaab ay sheegeen in ay soo Furteen illaa Labo Gaari oo ay leeyihiin Ciidamada Kenya.

Al-shabaab ayaa Dhowr jeer Weeraro nuucaan oo kale ah ku qaaday Gudaha wadanka Kenya,kuwaas oo Sababay dhimasho iyo dhaawac.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com