HomeUncategorized

Al-shabaab oo maanta xukunno dil iyo karbaash isku jira ku fuliyey 3 nin, magaalada Muqdisho.

Muqdisho, Sept 28- Ururka Al-shabaab ee ka arrimiya meelo badan oo ka mid ah koonfurta Soomaaliya, ayaa maanta xukunno dil iyo karbaash iskugu jira k

Sucuudiga oo Soomaali ku Sugan Yemen Duqayn ku dilay
Shir lagu dhalleeceeyey weerarkii Somaliland ee Buuhoodle, laguna taageerayo dhaawaca dagaalka, oo ka dhacay Galkacyo.
DHEGEYSO-Barnaamijkii Tartan iyo Tacliin ee Daljir 15 July 2016.

Muqdisho, Sept 28- Ururka Al-shabaab ee ka arrimiya meelo badan oo ka mid ah koonfurta Soomaaliya, ayaa maanta xukunno dil iyo karbaash iskugu jira ku fuliyey 3 qof oo ay ku eedeeyeen danbiyo kala duwan.

Labo ka mid ah raggaasi oo la toogtay ayaa waxaa lagu soo eedeeyey in ay ahaayeen Jaa-juusiin u adeegayey CIA-da Mareykanka, sirdoonka dawladda KMG ah Soomaaliya iyo kuwa ciidanka AMISOM, waxaana maxkamad Al-shabaab ahi ay ku xukuntay dil toogasho ah.

Raggaasi la toogtay ayaa sidoo kale lagu eedaynayey in ay ka danbeeyeen shirqoolladii lagu dilay Saalax Cali Saalax ?Namhaan? iyo Macalin Aadan Xaashi Cayrow, waxaana sidaasi laga soo xigtay qaar ka mid ah saraakiisha Al-shabaab.

Goobta raggaan lagu toogtay oo ahayd Xerada Maslax, ayaa waxaa goob-joog ka ahaa boqollaal dadweyne ah oo daawanayey sida loo fulinayey xukunkaan dilka ah, waxaana si weyn loo adkeeyey ammaanka meesha iyadoo la arkayey ciidamada Al-shabaab oo ku gadaaman halkaasi.

Labada nin ee maanta xukunka dilka ah uu ku fuliyey ururka Al-shabaab, ayaa lagu kala magacaabaa Xasan Macalin C/laahi ?Xasan Jareer? iyo Maxamed Cali Salaad, waxaana xaakimkii maxkamadda xukuntay uu sheegay in ay iyagu qirteen danbiyada lagu eedeeyey.

Dhanka kale isla maxkamadaasi waxay xukun karbaasha ah ku xukuntay nin kale oo isna lagu soo eedeeyey in uu samaynayey lacago been-abuur ah, kaasi oo isagana lagu fuliyey xukun karbaash ah iyo 6 bilood oo laga masaafuriyo magaalada Muqdisho, mana ahan markii ugu horraysay oo ururka Al-shabaab uu xukunno noocaan oo kale ah ku fuliyo dad lagu eedaynayo in ay danbiyo galeen.

C/fitaax Cumar Geeddi?
Idaacadda Daljir.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: