HomeUncategorized

Al-Shabaab oo Dib ula wareegtay Janaale

Jimco, September 18, 2015 (Daljir)_Wararka ka imaanaya deegaanka Jannaale ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM oo fariisimo xoogan kulahaa halkaasi ay ka bexeen, islamarkaana ay deegaanka fariisimo ka samaysteen Maleeyshiyaadka Ururka Alshabaab.

DHEGEYSO-Agaasimihii hay’ada wadooyinka Puntland oo xilka wareejiyey.
Waraysiyo ku saabsan iska-horimaad ku dhex maray Khayr-seexay, ee duleedka Garowe, dablay beeleed & ciidanka amniga ee Puntland.
Madaxweyne Gaas oo Maanta u dhoofay Nairobi

Jimco, September 18, 2015 (Daljir)_Wararka ka imaanaya deegaanka Jannaale ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM oo fariisimo xoogan kulahaa halkaasi ay ka bexeen, islamarkaana ay deegaanka fariisimo ka samaysteen Maleeyshiyaadka Ururka Alshabaab.

Ciidamada dowladda federalka ah ee Soomaaliya oo ahaa cutubyo tirayar iyo kuwa nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM oo ku hubaysan gaadiidka dagaalka iyo noocyada hubka ayaa ka baxay Jannaale inkastoo aysan jirin cid sheegtay sababta ay u baneeyeen.

Dhanka kalena ururka Alshabaab ayaa soo galay deegaanka oo ay dhowaan mar weerar ku qaadeen, waxaana ay degeen fariisimadii AMISOM iyo kuwa horleh oo ay ka samaysteen bartamaha Jannaale, iyagoona u sheegay dadka deegaanka inay Isdejiyaan.

Bilowgii bishaan sagaalaad ee sanadka 2015 ayey ahayd markii ciidamo katirsan Alshabaab ay werar gaadmo ah ku qaadeen fariisinkii ugu weynaa ee AMISOM kulahayd Jannaale iyagoona halkaasi ku laayey aska badan oo u dhalatay Burundi.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0