Al-shabaab oo amarro ku soo rogay goobaha ay gacanta ku hayaan ee magaalada Muqdisho. [Akhris …]

Muqdisho, Aug 10 – Guddoomiyaha ururka Al-shabaab ee magaalada Muqdisho Sh. Cali Maxamed Xuseen oo maanta Shir jaraa’id ku qabtay magaaladaasi ayaa amar ku bixiyey in dadka ku dhaqan xaafadaha ay gacanta ku hayaan ee magaaladaasi ay xiraan goobaha ganacsiga xilliga salaadda.

Shiikha oo saxaafadda kula hadlayey khadka Telefoonka ayaa sidoo kale sheegey in haweenku aysan banaanka u bixikarin xijaab la’aan si loogu hoggaansamo buuyiri amarka eebbe.

Ururka Al-shabaab ayaa go’aamo kuwaasi la mid ah horay ugu soo rogay gobolada kale ee gacanta ku hayaan, iyadoo ciddii u hoggaansami weydana tallaabo laga qaado.

Waa markii ugu horreysay ee xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay soo saaraan amarro kuwaasi la mid magaalada Muqdisho.

Ururka Al-shabaab ayaa ka arrimiya badi gobollada Koonfureed ee Somaliya, gacantana ku haya badi xaafadaha magaalada Muqdisho.

Axmed Shiikh Maxamed (Tallman)
Idaacadda Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com