Ahlu sunna wal Jamaaca oo bandoo ku soo rogtey Cabudwaaq. [Akhris …]

Caabudwaaq, June 26 | Urur diimeedka Ahlu Sunna Wal Jamaaca oo ka arrimiya inta badan gobollada dhexe ee dalka Soomaaliyya ayaa waxaa ay ku soo rogeen bandow Degmada Caabudwaaq ee gobolka Galguduud.

Magaalada gudaheeda ayaa waxaa laga maqli karayey cod dheer oo ka soo baxayey Sameecado ku rakiban gawaarida yar yar kaas oo ahaa ogeysiis ku aaddan xilliga uu bilaabanayo Bandooga oo ku aaddan inta u dhaxeysa 9:00 Fiidnimo illaa iyo 6:00 maqribnimo.

Waxaa dhammaanba hakad geli doona hawlaha ganacsiga, Caweynta iyo isusocodka gaadiidka iyo dadweynaha.

Xoogagga ammaanka ee kooxda Ahlu sunna ayaa waxaa ay sheegeen in ay ka qaadi doonaan tallaabo waafaqsan sharciga dhammaanba ciddii u hoggaan sami weyda amarkaan.

Sarkaal u hadlay Urur diimeedka Ahlunna oo lagu magacaabo Sh Bile Bashiir ayaa waxaa uu sheegey in tallaabadani ay tahay mid lagu xoojinayo amniga degmada iyada oo la xaqiijnayo sidoo kale hawlaha ballaadhan ee dhinaca ammaanka ah.

Ciidamada Ururka Ahlu sunna walJamaaca ayaa waxaa ay ku sammeeynayaan xilliga habeenkii ah Roondeyn iyaga oo dhammaanba qab qabanaya ciddii ka hor timaadda amarkaan sida lagu amrey.

Ururka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa waxaa uu ka taliya qeybo farabadan oo ka mid ah gobolka Galguduud, iyo Koonfurta gobolka Mudug waxaana ay ka qabsadeen deegaannada ugu muhiimsan ee xilligan ay gacanta ku hayaan Ururka kale ee Al Shabaab kaddib markii ay la galeen dagaal.

Yaasiin M Cali
Idaacadda Daljir.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com