HomeUncategorized

Ahlu Sunna oo caddeysey in ay la wareegeen xaafada Wadajir ee koonfurta Galkacyo. [Akhris …]

Galkacyo, July 11 - Afhayeenka Ururka Ahli Sunna Wal Jamaaca ee gobolka Mudug oo wareysi gaar ah siiyey Idaacadda Daljir ayaa waxaa uu markii ugu hor

Kenya oo muwaadiniinteeda kala baxaysa koonfurta Suudaan xili qalalaasuhu ku sii kordhayo
DHAGAYSO:Martisoor iyo Qaybti Sedexaad ee Waraysigii Cali Khaliif Galaydh
?Waan soo dhawyneynaa go?aamadii kasoo baxey shirkii Neyroobi? Afhayeenka isimada Puntland Garaad C/laahi Cali Ciid.

Galkacyo, July 11 – Afhayeenka Ururka Ahli Sunna Wal Jamaaca ee gobolka Mudug oo wareysi gaar ah siiyey Idaacadda Daljir ayaa waxaa uu markii ugu horreysey uu ka hadley la wareegidda ay la wareegeen maamulka xaafada Wadajir ee koonfurta magaalada Gaalkacyo Ururka Ahlu Sunna Wal Jamaaca.

Sh. Cabdullahi Abuu Yuusuf Al Qaaddi ayaa sheegey in ay soo dhaweeyeen dadka ku dhaqan xaafada Wadajir ee koonfurta magaalada Gaalkacyo tallaabadii ay qaadeen Ururka Ahlu sunna, waxaana uu sheegey in aysan jirin illaa iyo iminka cid ka hor timid arrinkaasi.

Waxaa uu sheegey Al Qaaddi in ay kala kaashanayaan dadka deegaanka sidii maamul cusub loogu dhisi lahaa Koonfurta magaalada Gaalkacyo isaga oo sheegey in ay sidoo kale ay gacanta ku sii haynayaan hawlaha ammaanka inta ay dadku ka soo dooranayaan maamul cusub.

Abuu Yuusuf Al Qaaddi waxaa uu sheegey in hawlaha ammaanka iyo maamulkaba ay gacanta iminka ku hayaan ururka Ahlu Sunna, waxaa uu tibaaxey in ay jiraan dad gaar ah oo ka soo horjeeda in la kala bad baadiyo dadka waxaana uu sheegey in aan loogu dulqaadanayn dhammaanba arrimahaasi.

Maamulka Ahlu Sunna Wal Jameeca ayaa waxaa ay qaadeen dhawrkii beri ee la soo dhaafey dadaallo ku aaddan xasilinta hawlaha amnia ee Xaafadda Wadajir ee magaalada Gaalkacyo iyaga oo Bandoo ku soo rogey qeybta Koonfureed ee Xaafaddaasi.

Dhawaanahaan ayaa waxaa ka soo baxayey Koonfurta magaalada Gaalkacyo Warar is khilaafsan ku waas oo sheegayey in ay jiraan dad ka soo horjeeda tallaabada ay kula wareegeen maamulka ku yaalla Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee Gal-Mudug urur diimeedka Ahlu Sunna Wal Jamaaca.

Maamulka Gal Mudug ayaa la dhisey Sanadkii 2006-da iyada oo uu maamulkaasi uu ku ekaa xilligiisa bartamahii sanadkaan ayaa waxaa haddana dhacdey doorasho kale toddobaadyo ka hor waxaana ka hor yimid doorashadaasi maamulkii hore ee ka arrimin jirey Koonfurta magaalada Gaalkacyo.

C/Fataax Cumar Geeddi.
Idaacadda Daljir.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: