Afhayeenka Jubbaland oo Qaadacay mooshinka iyaga ka dhan ah

Arbaco, May 20, 2015 (Daljir) —Afhayeenka  Maamulka Jubbaland  Cabdi naasir Seeraar oo la hadlay Radio Kulmiye ayaa Eedeeyn dusha uga tuuray Guddoomiyaha Baarlamanaka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari Eedeyntaas oo ah in uu Mas’uul ka yahay Mooshinka laga soo gudbiyay Xildhibaanada Jubbaland.

 

Afhayeen Seerar ayaa intaa ku daray in Guddoomiyaha Baarlamaanka uu Mas’uul ka yahay  Abaabulka Mooshinka laga keenay Xildhibaanada Jubbaland,kaas oo uu Xusay in uusan aheyn mid Sharci ah.

 

“Jubbaland ma aqbali doonto wax walba oo ka soo baxa Mooshinka Baarlamaanka Soomaaliya ay kawadaan Xildhibaanada Jubbaland”ayuu yiri Cabdi Naasir Seeraar.

 

Maanta ayaa Baarlamaanka Soomaaliya waxaa hortagaya Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukumadda Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa si wax looga weydiiyo Dhismaha Baarlamaanka Jubbaland.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com