Guddoomiyaha Cusub ee gobalka Banaadir oo la kulmay qoyska Marxuum Eng Yariisow

HomeWararka

Guddoomiyaha Cusub ee gobalka Banaadir oo la kulmay qoyska Marxuum Eng Yariisow

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed ayaa xalay booqasho sallaan ugu tagay Qoyska Guddoomiyihii

Fananad Sahro Axmed Jaamac oo Hargeysa ku geeriyootay
Madaxda wadamada EAC oo shaaciyay go,aan ku saabsan ku biirista Soomaaliya ee EAC
Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Canada

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed ayaa xalay booqasho sallaan ugu tagay Qoyska Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahaana duqii Muqdisho Marxuum Eng. Yariisow.

Guddoomiyaha ayaa waxaa ku wehliyay booqashada Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, Xildhibaan C/qaadir Carabow iyo xubno kale, waxaana mar kale Guddoomiyaha ugu tacsiyadeeyay qoyska geeridii Shahiid Yariisow.

Ugaas Maxamuud Cali Ugaas ayaa ugu horeyn soo dhoweeyay Guddoomiyaha cusub Cumar Fillish, isagoo xusay in ay ka mahad celinayaan qoysku booqashada uu ugu yimid iyo sallaan sharafeedka.

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa sheegay in Marxuum Yariisow uu ahaa muwaadin dalkiisa u adeegayay, isagoo waajibkiisa gudanayana uu u geeriyooday, waxaa uu tilmaamay horumaradii iyo howlihii uu soo waday in ay halkoodi ka sii wadi doonaan.

Guddoomiyaha ayaa balan-qaaday inuu ka warqabi doono qoyska Marxuum Yariisow, isla markaana aan marnaba la ilaabi doono kaalintiisa dal dhiska iyo u adeegidii dadka ku nool Caasimadda Muqdisho.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: