C/raxmaan C/shakuur “Nin Shan Taliye labo sano iyo bar ku bedelay dagaal kulama jiro Al-Shabaab”

C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ka mid ah Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada KMG ee dalka ka jira ayaa si weyn u dhaliilay xil ka qaadistii lagu sameeyay Taliyeyaasha Ciidamada, isagoo su’aal geliyay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Mr Warsame ayaa sheegay ayaa sheegay inay shaki abuureyso sababta loo bedela Taliyaha Ciidanka xoogga dalka, iyadoo Ciidamada guulo soo hoynaya.

“Allaha guuleeyo wiilasha iyo hablaha Ciidanka Xoogga Dalka ka tirsan ee dagaalka kula jira kooxaha argagixisada ah ee furamaha dagaalka ku jira, Waxaase shaki abuuraya sababta ciidankii oo guulo soo hoynaya, loo beddelay taliyihii isagoo weliba jiida hore ee dagaalka ku jira”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.

C/raxmaan C/shakuur oo sii hadlayay ayaa yiri “Nin 5 taliye, 2 sano iyo bar ku beddelay Al-shabaab dagaal kulama jiro”

Madaxweyne Farmaajo ayaa noqday madaxweynihii ugu is bedelka badnaa ee soo mara dalka 10-kii sano ee u dambeeyay, marka loo eego xilalka ugu muhiimsan ee Hey’adaha amniga, waxaana labo sano iyo bar oo uu Xafiiska joogo ku bedelay illaa 14 Taliye oo ah dhammaan Talisyada afarta ah ee Ciidamada qalabka sida.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com