Dhex dhexaadin laga dhex bilaabay Axmed Madoobe iyo Siyaasiyiinti ka soo horjeeday

Dhex dhexaadin laga dhex bilaabay Axmed Madoobe iyo Siyaasiyiinti ka soo horjeeday

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa wada hadalo la bilaabay qaar ka mid ah Siyaasiyiintii ka soo horjeeday dib u doorashadiisa, isagoo xalay aqalka Madaxtooyada ku qaabilay labo ka mid ah Musharaxiinta is bedel doonka ahaa.

Axmed Madoobe ayaa la kulmay Sheekh Maxamed Ibraahim Shakuul iyo C/qaadir C/raxmaan Khaliif oo ka mid ahaa siyaasiyiinta ka aragtida duwanaa xilligii doorashada.

Mr Madoobe ayaa labadan xubnood ka dhageystay aragtidooda la xiriirta sidii horay loogu sii socon lahaa, loona xoojin lahaa Midnimada iyo nabadgelyada Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa balan qaaday inuu albaabada u furayo dhamaan dadka ka ra’yi duwan maamulkiisa, si meesha looga saaro kala aragti duwanaanta, loona gaaro dib u heshiisiin

Dhinaca kale waxaa socda dadaalo ay wadaan odayaal iyo siyaasiyiin oo ku aadan sidii la isugu keeni lahaa Axmed Madoobe iyo xubnaha kale ee maalmo ka hor kaga dhawaaqay Kismaayo in la doortay Madaxweynaha Jubbaland.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com