Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Canada

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Canada

Wiil Soomaali ah ayaa noqday qofkii ugu dambeeyay ee lagu dilay dalka Canada, iyadoo jaaliyadda Soomaalida ee waddankaas ay walaac ka muujiyeen dilalka loo geysto ama ay isu geystaan wiilasha Soomaalida. Shaqo la’aan haysata Soomaalida iyo isticmaalka maandooriyaha ayaa la sheegay inay qeyb ka yihiin dilalka dhalinyarada Soomaalida ku nool Canada.

Cusaama Ibraahim Aadan ayaa saaka lagu hor dilay hoygiisa xilli uu usii socday goobta shaqada sida uu BBC usheegay Ibraahim Aadan Sagaar oo ah aabaha dhalay Cusaama.

Waxa uu sheegay Ibraahim in uu maqlay illaa toddobo xabbo oo rasaas ah ka dibna uu noqday qofka rasaastaasi ku dhacday wiilkiisa, isaga oo sheegay in ay naftu ku jirtay marka uu goobta tagey ayna toddoba meelood oo rasaastu uga dhacday dhiig ka qul qulayey.

Dhallinta Canada ee Soomaalida ayaa badanaa ku dhinta dil lagu geysto rasaas ama toorri iyada oo arrinkan loo saariyo ka mid noqoshada iyo jiritaanka kooxaha budhacadda ah ee halkaas ka jira iyo sidoo kale adeegsiga daroogada. waxaase mararka qaar dhacda in qof aan ku shaqa lahayn amuurahan uu la kulmo dhibaatada ay kooxahaasi geysanayaan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com