Fananad Sahro Axmed Jaamac oo Hargeysa ku geeriyootay

Fananad Sahro Axmed Jaamac oo Hargeysa ku geeriyootay

Allaha u Naxariistee waxaa Goordhow Magaalada Hargeysa ee deegaannada Maamulka Soomaaliland ku geeriyootay fanaanada Soomaaliyeed Sahra Axmed Jaamac oo bilihii u dambeysay ku sugneyd Magaalada Hargeysa.

Geerida Fanaanada ayaa waxaa Warbaahinta u xaqiijiyey Abwaan Xasan dhuxul Laab Saalax oo ka mid ah mauuliyiinta Kooxda Fanaaniinta xidigaha Geeska,waxa uuna sheegay in waayadaan ay fanaanadu Hargeysa ku xanuunsaneysay,iyada oo ugu dambeyn Maanta geeriyootay.

Allaha u Naxariistee Fanaanada Sahra Axmed Jaamac ayaa waxa ay ka mid aheyd Hoboladii Qaranka ee Waaberi,waxa ayna ku luuqeysay heeso iusgu jira Jaceyl iyo Wadani basle Maanta ay geeriyootay.

Heesaha lagu xasuusta Fanaanada Sahra Axmed Jaamac ayaa waxa ka mid ah Heesta Naf ku jecel Aduunyada ayaa ugu wacan wax lala noolaado iyo heeso kale oo aad u farabadan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com