Madaxda wadamada EAC oo shaaciyay go,aan ku saabsan ku biirista Soomaaliya ee EAC

Madaxda wadamada EAC oo shaaciyay go,aan ku saabsan ku biirista Soomaaliya ee EAC

War murtiyeedka ka soo baxay shir madaxeedka East African Community ayaa waxaa Golaha ururkaas lagu faray in ay dedejiyaan tallaabooyinka ay tahay in aan marno, kaddibna ay warbixin siiyaan shir madaxeedka 23 ee ururka.

Madaxda wadamada EAC ayaa faray golaha wasiirada dalalkooda in ay u diyaar garoobaan howlgal xaqiijin ah oo Muqdisho lagu tagayo si loo ogaado in Soomaaliya diyaar u tahay ka mid noqoshada bulshada Bariga Afrika.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb-gelay Shir-Madaxeedka dalalka ku mideysan dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo ay martigelisay magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya ayaa u gudbiyey codsi rasmi ah oo ku aaddan kamid-noqoshada Soomaaliya ee dalladan, isagoo tilmaamay dadaalka uu muddada badan ku bixinayey sidii dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay uga mid noqon lahaayeen (EAC).

Madaxweynaha ayaa ka warbixiyey hawlkarnimada iyo firfircoonida ay ku tilmaaman yihiin shacabka Soomaaliyeed iyo fursadaha dhaqaale ee dalkeenna, gaar ahaan khayraadka ceegaaga sida macdanta, xoolaha iyo beeraha, kuwaasi oo Soomaaliya ka dhigaya mid ka mid ah dalalka ugu mustaqbalka fiican Gobolka iyo guud ahaan Qaaradda Afrika.

Dalalka xubnaha ka ah EAC waxa ay iska kaashadaan dhinacyo khuseeya siyaasadda, ammaanka, difaaca, dhaqaalaha, dhaqanka, teknoolajiyada iyo sharciga.

Dalalka ayaa ku haminaya inay sameeyaan is-dhexgal buuxa oo dhinacyo badan.

Dalalka ayaa sanadkii 2005 ku heshiiyay in la mideeyo canshuuraha xudduudda oo ay alaabaha iyo dadka si xor ah uga kala gooshi karaan waddamada.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com