Madaxweynaha Galmudug Xaaf oo Hambalyo u diray Ciidamadda Booliska Somaliyeed

HomeWararka

Madaxweynaha Galmudug Xaaf oo Hambalyo u diray Ciidamadda Booliska Somaliyeed

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, ayaa bogaadiyay Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed, oo ay Maanta u dabaal dag

Somaliland oo imtixaankii shahaadiga ka joojisay dugsiyo ku yaala magaalada Badhan (dhegayso)
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo farabadan ka dajisay garoonka Dhuusamareeb (dhegayso)
Warka Arooryo iyo Cabdixakiin Xuseen Xasan , Daljir Garoowe (dhegayso)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, ayaa bogaadiyay Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed, oo ay Maanta u dabaal dagaya sanad guuradii 75-Aad ee kasoo wareegtay markii la Aasaasay.

Madaxweyne Xaaf waxa xusay in Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ay laf-dhabar u yihiin horumarka iyo hor-u-socodka Amniga, waxa uu si gaar ugu mahad celiyay Ciidamada Booliiska Galmudug, sida ay waajibkooda xasilinta iyo nabadeynta ay u gudataan iyagoo ku shaqeynaya duruufo adag.

“Waxaan hamalyo diiran Hawada u marinayaa, saraakiiska, sarakiil xigeenada, dhamaan xaasaska iyo qoysaska ciidamada Booliiska Galmudug, oo maanta xusaya Sanad guuradii 75-Aad ee ka soo wareegtay markii dhibada loo taagay ciidamada Booliiska oo ah hay’ad u xilsaaran ilaalinta sharciga iyo badbaadinta bulshada”

“Booliisku waa halbeega horumarka Amniga iyo kala danbeynta, Nabadi la’aantii ma jiri karto, waana Badbaadiyaha iyo baraaraha Bulshadeena” ayuu Markale yiri Madaxweyne Xaaf

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: