Dowladda Soomaaliya oo ciidamo farabadan ka dajisay garoonka Dhuusamareeb (dhegayso)

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo farabadan ka dajisay garoonka  Dhuusamareeb (dhegayso)

Garoonka diyaarada ee magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta ka degtay diyaarada milatari oo siday ciidamo si gaar ah u tababaran oo ay dowladda ugu talagashay in ay xaqiijiyaan amniga goobta uu ka dhacayo shirka dib uheshiisiinta beelaha Galmudug.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa jiray khilaaf u dhaxeeyay dowladda Federaalka iyo Hoggaanka Ahlusuna oo ku saabsanaa Ciidamada la geeyay Dhuusamareeb iyo balamo ay sheegtay Ahlusuna in looga baxay.

dad badan oo falanqeeya siyaasada Soomaaliya ayaa sheegaya in arintan ay u muuqato talaabo kale oo ay madaxda dowladda ugu sii gogol xaaraysa sidii ay markale talada dalka ugu soo laaban lahaayeen.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maalmaha soo socda waxaa lafilayaa in uu soo gaaro magaalada Dhuusamareeb.

wariyaha Daljir ee Garoowe Xaaawo Axmed ayaa soo koobaysan warbixintan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com