Farmaajo oo Fariin u diray Ciidamadda Booliska

HomeWararka

Farmaajo oo Fariin u diray Ciidamadda Booliska

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Khudbad ka jeedinaayay Garoonka Koonis ayaa ugu baaqay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed in ay il

Biyo-la’aantii Jigjiga oo ka sii dareysa
Howgal qorshaysan oo ay fuliyeen Ciidanka xoogga Dalka ayaa lagu dilay Xubno katirsan Al-Shabaab
Musharaxiintii ku midaysnaa “Isbahaysiga Puntland ee cusub ayaa sheegay…..

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Khudbad ka jeedinaayay Garoonka Koonis ayaa ugu baaqay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed in ay ilaaliyaan Caddaaladda.

Waxaa uu sheegay in ciidanka Booliska Soomaaliyeed laga rabo in ay kasbadaan Shacabka,Maadaama uu sheegay in ciidanka booliska ay yar yihiin, laakiin hadii ay kaashaddaan Shacabka ay guulo waa weyn soo hoyn karaan.

Tilaabada kaliyah ee lagu xaqiijin karo Ammaanka ayuu sheegay Madaxweyne Farmaajo in ay tahay in sare loo qaado Kalsoonida Shacabka si looga adkaado dagaalyahanada Al-Shabaab.

Madaxweyne Farmaajo ayaa maanta Khudbad u jeediyay boqolaal ka mid ah Shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo la aas-aasay 20 December 1943 ayaa sanadkaan xusay Sanad guuradii 75-aad ee kasoo wareegtay Xilligii la aas-aasay Booliska, waxaana sanadkaan Munaasabadda laga darreemayay diyaar garow aad u ballaaran.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: