Madaxweynaha Galmudug Xaaf oo Hambalyo u diray Ciidamadda Booliska Somaliyeed

Madaxweynaha Galmudug Xaaf oo Hambalyo u diray Ciidamadda Booliska Somaliyeed

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, ayaa bogaadiyay Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed, oo ay Maanta u dabaal dagaya sanad guuradii 75-Aad ee kasoo wareegtay markii la Aasaasay.

Madaxweyne Xaaf waxa xusay in Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ay laf-dhabar u yihiin horumarka iyo hor-u-socodka Amniga, waxa uu si gaar ugu mahad celiyay Ciidamada Booliiska Galmudug, sida ay waajibkooda xasilinta iyo nabadeynta ay u gudataan iyagoo ku shaqeynaya duruufo adag.

“Waxaan hamalyo diiran Hawada u marinayaa, saraakiiska, sarakiil xigeenada, dhamaan xaasaska iyo qoysaska ciidamada Booliiska Galmudug, oo maanta xusaya Sanad guuradii 75-Aad ee ka soo wareegtay markii dhibada loo taagay ciidamada Booliiska oo ah hay’ad u xilsaaran ilaalinta sharciga iyo badbaadinta bulshada”

“Booliisku waa halbeega horumarka Amniga iyo kala danbeynta, Nabadi la’aantii ma jiri karto, waana Badbaadiyaha iyo baraaraha Bulshadeena” ayuu Markale yiri Madaxweyne Xaaf

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com