Howgal qorshaysan oo ay fuliyeen Ciidanka xoogga Dalka ayaa lagu dilay Xubno katirsan Al-Shabaab

HomeWararka

Howgal qorshaysan oo ay fuliyeen Ciidanka xoogga Dalka ayaa lagu dilay Xubno katirsan Al-Shabaab

Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howgal qorsheeysan ka sameeyay degaanka Qabdho oo hoostaga degmada matabaan ee gobolka hiiraan halkaas oo mara

Safiirka Soomaaliya u magacaawday dalka Hindiya oo laga guddoomay waraaqaha aqoonsiga
Gaaxnuug: “Somaliland markale hadday ku soo duusho gobalka Sool jab & halaag kale ayey la kulmi doontaa”
Wasiir fiqi oo sheegay in shirqoolay nabadoono qarax lagu dilay

Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howgal qorsheeysan ka sameeyay degaanka Qabdho oo hoostaga degmada matabaan ee gobolka hiiraan halkaas oo mararka qaar lagu arki jiray Xubno katirsan Al-Shabaab.

Howlgalka oo ay sigaar ah u fuliyeen guutada 5aad ee Ciidanka xoogga dalka ayaa ujeedkiisu ahaa sidii degaannada u dhow degmada Matabaan looga saari lahaa Ururka Al-Shabaab oo dhowr jeer weerar ku qaaday degmadaasi Matabaan ee Gobolka Hiiraan

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka General Odowaa Yuusuf Raage ayaa Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida u sheegay in howlgalka Al-Shabaab looga dilay ku dhowaad 10 Xubnood, sidoo kalena laga bur-buriyay bartii ay shacabka kaga qaadayeen lacagaha.

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka General Odowaa Yuusuf Raage wuxuu sheegay in ujeedka howlgalka uu yahay sidii looga hortagi lahaa dhagarta Al-Shabaab, isla markaana shacabka looga dul qaadi lahaa dhibaatada ay ku hayaan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: