Somaliland oo imtixaankii shahaadiga ka joojisay dugsiyo ku yaala magaalada Badhan (dhegayso)

Wasiirka waxbarashada iyo sayniska Somaliland Cismaan Jaamac Aadan ayaa sheegay in la joojiyo laba iskuul oo ku yaala magaalada Badhan inay ka qaybgalaan imtixaanka shahaadiga ee Somaliland.

Waxaa uu ku eedeeyey iskuulaadkaasi inay yihiin kuwa u farriista imtixaanada Puntland iyo Somaliland, arrintaasi oo uu ku tilmaamay mid aan la aqbali karin.

Somaliland ayaa maanta looga farriistay imtixaankii shahaadiga, iyadoo magaalooyinka Badhan iyo Dhahar ay ku yaaliin dugsiyo labada maamulba manhajkooda lagu dhigo, oo gala laba imtixaan.

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com