Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo ka hadlay qaraxyadii Baydhabo

HomeWararka

Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo ka hadlay qaraxyadii Baydhabo

Madaxwaynaha dowladda faderaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ka hadlay qaraxyadii shalay kadhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolk

Madaxweyne Farmaajo oo u magacaabay Danjire Yuusuf-Garaad Ergayga Gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed
Madaxweynaha Jubbaland oo sheegay in looga Bahanyahay in dowladda Amaanka Wax ka qabato (dhegayso)
Aqalka sare ,Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika oo ka wada hadlaya khilaafka dowladda iyo Maamul goboleedyada (Sawrio)

Madaxwaynaha dowladda faderaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ka hadlay qaraxyadii shalay kadhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay oo labaatan qof dad ku dhow ay ku geeriyoodeen.

Farmaajo ayaa hay’adaha caafimaadka amray in gurmad loo fidiyo dadka ku dhaawacmay weeraradaasi Al-shabaab ay gaysteen.

“Inaa Lillaahi waa inaa Ilayhi raajicuun, waxaan tacsi u dirayaa dhammaan qoysaska iyo ehelada ay ka shahiideen dadkii sida arxan darrada ah ay u gumaadeen Al-shabaab. Waxaan Alle uga baryayaa in uu si deg deg ah u bogsiiyo dadkii ku dhaawacmay qaraxyadaasi.”

Qaraxyadii shalay kadhacay Baydhabo ayaa kusoo beegmaya iyadoo olole doorasho ay kasocdaan magaalada Baydhabo, kaasi oo uu ka qaybgalayo Sheekh Mukhtaar Roobow oo ka mid ahaa aasaasayaashii Al-shabaab, xilal kalle duwana horay uga soo qabtay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: