Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku fulisay nin ku eedaysnaa qaraxii Soobe, sanad kadib

Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku fulisay nin ku eedaysnaa qaraxii Soobe, sanad kadib

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda faderaalka Soomaaliya ayaa saakay xukun dil ah ku fulisay Xasan Aadan Isaaq Cali oo ku’eedaysnaa inuu wax ka ogaa qaraxii Soobe ee bishii Oktoober 2017kii maanta oo kalle ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo ay waxyeelo badan soo gaartay.

Generaal Liibaan Cali Yarow ayaa sheegay maxkamadda inay horay ugu heshay dambi ah inuu waday gaari Noah oo qarax uu saarnaa oo marayay xaafadda Buulo Xuubeey oo u dhow goobta qarax uu ka dhacay ee Soobe, sidoo kallena uu wax ka ogaa weerarkii Soobe ka dhacay oo ay ku nafwaayeen boqolaal ruux, dad kun ka badana ay ku dhaawacmeen.

Qaraxa isgooyska Soobe ayaa maanta jirsaday sanadkii koowaad, iyadoo hay’adaha ammaanka aanay wali u ciqaabin kooxihii ka dambeeyey, wax guulo ah oo waawayna laga gaarin baaritaanada dadkii ka qaybqaatay.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com