Madaxweyne Farmaajo oo u magacaabay Danjire Yuusuf-Garaad Ergayga Gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed

HomeWararka

Madaxweyne Farmaajo oo u magacaabay Danjire Yuusuf-Garaad Ergayga Gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto ugu magacaabay Danjire Yuusuf-Garaad Cumar in uu noqdo Erg

Madaxweynaha koonfur galbeed oo ku dhaawaqay gole Wasiiro cusub
Madaxweynaha DDS oo kulan qado sharaf ah la qaatay Saraakisha Hay’addaha Amaanka (Sawiro)
Galmudug: Boolisku waa Qashin-xaaqaha Bulshada, Waraysi Taliyaha Qaybta G. Mudug Maxamed Nuur Cali

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto ugu magacaabay Danjire Yuusuf-Garaad Cumar in uu noqdo Ergayga Gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Madaxweynaha ayaa u xilsaaray Danjire Yuusuf in uu sii ambaqaado doorka dalkeennu uu ka qaadanayo qorsheyaasha wadajirka ah ee heer Gobol, kuwaas oo ku saleysan wax-wada qabsi, daris-wanaag, iskaashi iyo isku duubnida dhaqaale, amni iyo siyaasadeed.

“Waa muhiim in qorshaheenna muddada fog uu ku qotomo sidii aan mar labaad u soo celin lahayn doorka dalkeennu uu ku leeyahay Gobolka, arrinkaas oo sanadihii la soo dhaafay aan ka gaarnay guul weyn oo waxtar u ah xasilloonuda iyo horumarka mandiqadda.”

Madaxweyne Farmaajo oo tilmaamay xeeldheerida diblumaasiyadeed ee Danjire Yuusuf-Garaad oo soo noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Danjirihii hore ee Qaramada Midoobey ee New York ayaa u rajeeyay in Eebe uu u fududeeyo masuuliyaddan culus, isaga oo kula dardaarmay in uu sii joogteeyo daacadnimadii iyo hufnaantii lagu yaqaannay inuu ugu shaqeeyo magaca iyo mataaladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: