DFS oo faahfaahisay Sababta ay u kala dooratay xiriirka Kenya & Itoobiya

HomeWararka

DFS oo faahfaahisay Sababta ay u kala dooratay xiriirka Kenya & Itoobiya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cismaan Dubbe ayaa ka hadlay sababta keentay in uu xumaado xiriirka Dowladda Kenya, balse wanaaj

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Dhiirigeliyey Ciidamo Howlgal Ka Wada Muqdisho (Sawirro)
Shirweyne looga hadlayo la dagaallanka Xagjirnimada oo ka furmay Muqdisho
Guddoomiyihi hore ee dhalinyaradda gobalka Mudug oo Arrimo Xasaasi ah daaha ka roggay

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cismaan Dubbe ayaa ka hadlay sababta keentay in uu xumaado xiriirka Dowladda Kenya, balse wanaajiyay xiriirka dalalka Soomaaliya & Itoobiya.

Wasiirka oo Wariyeyaasha kula hadlayay magaalada Muqdisho ayaa la weeydiiyay su’aal aheyd waxyaabaha wanaajiyay xiriirka Dowladda Soomaaliya & Itoobiya & waxa xumeeyay xiriirka kala dhaxeeya Dowladda Kenya ayaa waxaa uu ku jawaabay.

“ Itoobiya waad ogeedeen taliskii hore ee ka talin jiray ee TPLF dhibaatadii iyo hagar daamadii uu ku hayay dowladnimada Soomaaliya, markii rajiimkaas uu meesha ka baxay, Itoobiya waxaa yimid hoggaan cusub oo aan fareglineyn Arrimaha Gudaha Soomaaliya,oo aan walaaqeyn oo aan fidno abuureyn oo aan Addis Ababa aheyn meelaha laga burburinayo Soomaaliya ayuu yiri” Wasiir Dubbe.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi uu ku daray Wasiirka Warfaafinta in Dowladda Soomaliya & Shacabka ay kala yaqaanaan dadka faragelinta ku haaya oo ka qeyb qaadanaya burburinta iyo dadka kale

Marka laga soo tago hadalka Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa waxaa jirta in Ciidamo Itoobiyaan ah oo aan ka tirsaneyn AMISOM ay ku sugan yihiin meelo kamid ah Soomaaliya, sidoo kale 12-kii bishii December ee snadkii 2018 ay Baydhabo kasoo xireen Mukhtar Roobow oo ahaa musharax Madaxweynaha Koonfur Galbeed sidoo kale ay dad Shacab ahaa oo taageerayaashiisa ahaa ay dileen.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: