Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo ka hadlay qaraxyadii Baydhabo

Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo ka hadlay qaraxyadii Baydhabo

Madaxwaynaha dowladda faderaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ka hadlay qaraxyadii shalay kadhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay oo labaatan qof dad ku dhow ay ku geeriyoodeen.

Farmaajo ayaa hay’adaha caafimaadka amray in gurmad loo fidiyo dadka ku dhaawacmay weeraradaasi Al-shabaab ay gaysteen.

“Inaa Lillaahi waa inaa Ilayhi raajicuun, waxaan tacsi u dirayaa dhammaan qoysaska iyo ehelada ay ka shahiideen dadkii sida arxan darrada ah ay u gumaadeen Al-shabaab. Waxaan Alle uga baryayaa in uu si deg deg ah u bogsiiyo dadkii ku dhaawacmay qaraxyadaasi.”

Qaraxyadii shalay kadhacay Baydhabo ayaa kusoo beegmaya iyadoo olole doorasho ay kasocdaan magaalada Baydhabo, kaasi oo uu ka qaybgalayo Sheekh Mukhtaar Roobow oo ka mid ahaa aasaasayaashii Al-shabaab, xilal kalle duwana horay uga soo qabtay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com