Xildhibaan Cabdixakiin Macallin Axmed (Galmudug): “Magaaladaan Muqdisho ammaankeeda haddaadan waxba ka qaban karin isaga tag dal wax uma qaban kartide.” (dhegayso)

HomeWararkaSiyaasadda & Dhaqaalaha

Xildhibaan Cabdixakiin Macallin Axmed (Galmudug): “Magaaladaan Muqdisho ammaankeeda haddaadan waxba ka qaban karin isaga tag dal wax uma qaban kartide.” (dhegayso)

Xildhibaan Cabdixakiin Macallin Axmed, ahna Xildhibaan laga soo doorto Galmudug, ayaa shalay khudbad qiiro leh ka jeediyey Baarlamaanka Soomaaliya, ba

Xafiiska Hantidhawrka Guud: Warbixinta Baarista Gaarka ah EE MAAREYNTA KALLUUMAYSIGA
Hargeysadii shalay & Hargeysada maanta: Dulmidiidihii shalay waa dulmidoonaha maanta
Xeerka Dhaqanka: Haddii Nabaddoonadu talada doorashada Xildhibaanka isla keeni waayaan talada iyo guddoonka yaa leh? (dhegayso)

Xildhibaan Cabdixakiin Macallin Axmed, ahna Xildhibaan laga soo doorto Galmudug, ayaa shalay khudbad qiiro leh ka jeediyey Baarlamaanka Soomaaliya, bannaankana soo dhigay su’aalo aan hore la isku weydiin, kuna eedeeyey Madaxweyne Farmaajo iyo xukuumaddiisa iyo ay ku fashilantay hoggaankii dalka.

Xildhibaanka oo tusaale u soo qaatay waxa ku dhacay garoomadii Xamar ee kubbada lagu cayaari jirey ayaa yiri, “Magaaladaan Muqdisho meel walba xaafad walba garoon baa ku yaalay. Dadka indhaha … yaan hadlin oo waxba ha sheegin [yaan la dhihin] … meeye garoomadii ciyaarta lagu ciyaari jiray? … Xaggee aadeen garoomadii? Amarkee ku xiranyihiin, yaa xiray? Ma Xukuumadda … ma Wasaaradda Arrimaha Gudaha baa warqad soo saartay lagu xirayo? Mise Shabaab baa xiray? Ha hadlin ha sheegin miyaad I leedahay?”

Xildhibaanka oo ka dhiidhinaya ammaan-xumida Xamar la soo daristay ayaa ku daray, “magaaladaan Muqdisho ammaankeeda haddaadan waxba ka qaban karin isaga tag dal waxba uma qaban kartide. Dadka Soomaaliyeed yaynaan sirin. Waqtiga yaynaan ka dhuminin. Xildhibaanada sharafta lihi waajibkooda dastuuriga ha qaateen.”

Hoos ka dhegayso oo kaga bogo oo fadlan fiiradaada iyo falcelis nala qaybso.

Goobjoog

Xildhibaan Cabdixakiin Macallin Maxamed ayaa sheegay in xukuumaddu ay ku fashilantey sugidda amniga dalka, ayna tahay inay meesha isaga dhaqaadqo.-Doodda Amniga ee Golaha Shacabka.

Posted by Goobjoog on Tuesday, September 18, 2018

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: