Xafiiska Hantidhawrka Guud: Warbixinta Baarista Gaarka ah EE MAAREYNTA KALLUUMAYSIGA

Dakhli uruurinta

Sida ay muujiyeen dukumiintiyadii baarista loo soo bandhigay, Wasaaraddu waxay uruurisay dakhli la xiriira shatiyada kalluumeysiga ee shirkadaha iyo iskaashatooyinka maxalliga ah oo dhan $50,000.00.

Sidoo kale Wasaaraddu waxa ay bixisay shatiyo kalluumaysi oo la siiyay shirkado shisheeye (Ururka Kalluumeysiga ee Shiinaha — COFA) taas oo dakhliga guud ee ka soo xarooday uu dhan yahay US $3,269,564.00.

Haddaba, wadarta guud ee dakhliga la aruuriyay muddada saddexda sanno ayaa dhan US $3,319,564.00. Dakhligii ka soo xarooday shirkadaha maxalliga ah waxaa lagu shubay Khasnadda Mideeysan (Treasury Single Account), sidoo kalena waxaa lagu muujiyey ku-noqoshada
miisaaniyadda qaranka, halka dakhliga laga soo uruuriyey shirkadaha shisheeye ay wadaageen
Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Maamulka Gobolka Banaadir, iyo
Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Khaladaadka ugu waaweyn

Halkan waxaa ku tixan qaar ka mid ah khaladaadka ugu waaweyn ee warbixintani ka hadleyso.
• Xeer-hoosaadyada lagu maareeyo kalluumeysiga oo aan la dejin.
• Dakhli dhan ugu yaraan US $56,625,000.00 oo ku waajibay marakiibta longliner-ka oo aan la
uruurin taas oo lid ku ah Sharciga Kalluumaysiga.
• Qaybsiga dakhliga laga uruuriyay kheyraadka kalluumaysiga oo lagu xadgudbay.
• Kalluumaysatada oo dabta qubada badda ee dabar go’aysa taas oo lid ku ah Sharciga Kalluumaysiga.
• Shirkadaha kalluumeysiga shisheeye oo ka gaabiyay in ay shaqaaleeyaan kalluumeysato maxalli
ah, una hoggaansamaan shuruucda dalka.
• Nadaafad-xumo heysata xeebaha oo ka dhalatay meel marin la’aanta Sharciga Kalluumeysiga
iyo maqnaashaha siyaasadihii lagu xallin lahaa arrimahaan.
• Maraakiibta shisheeye ee kalluumeysiga oo aan la hubin waxa ay sidaan marka ay ka kalluumaystaan
biyaha Soomaaliya taas oo lid sharciga.

Hoos ka daalaco “Warbixinta Baarista Gaarka ah EE MAAREYNTA KALLUUMAYSIGA” ee HANTIDHOWRKA GUUD

Baarista Hantidhowrka Q1aad

Baarista Hantidhowrka Q2aad

 


Posted

in

,

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com