Hargeysadii shalay & Hargeysada maanta: Dulmidiidihii shalay waa dulmidoonaha maanta

HomeWararkaSiyaasadda & Dhaqaalaha

Hargeysadii shalay & Hargeysada maanta: Dulmidiidihii shalay waa dulmidoonaha maanta

Tan iyo markii ay Somaliland sheegatay in ay gooni uga istaagayso Soomaaliya inteeda kale waxa ay ku garrami jireen inta garashada lagu tirinayey ee g

Siyaasi Cali Xaaji Warsame oo Radio Daljir uga waramay dhagaxdhigii Dekadda Garacad (dhegayso)
Guddi Aqalka Sare oo isku dayaya muujinta in aysan weli ku milmin Xukuumadda
Guddoomiye Muufo: “Mashaariicda ugu badan Madaxweyne Deni ayaa degmada Jarriiban ka hirgaliyey ma waxaan ugu abaalgudi karnaa waxba ma qaban? (dhegayso)

Tan iyo markii ay Somaliland sheegatay in ay gooni uga istaagayso Soomaaliya inteeda kale waxa ay ku garrami jireen inta garashada lagu tirinayey ee go’aankaas garabtaagnaa in ay ka dagaallameen dulmi lagula kacay iyo xadgudubyo naf iyo maalba leh oo loo gaystay, taasina ay geyeysiisay inay gooni uga istaagaan dalka intiisa kale. Iyadoo ay saas tahay, ayaa haddana waxaa xusid mudan in jabhaddii SNM (Somali National Movement) ee markii danbe u digarogatay Somaliland aanay sinna ugu suntanayn gooni-u-gooshasho, Soomaalinimaduna ku weyneyd, si  toos ahna uga muuqatay magaca jabhadda.

Hargeysa oo muddo ku badhaadhaysay nabad gudaheeda ah ayaa haddana bulshada degaannadeeda, gaar ahaan da’yar aan war u hayn soojireennadii tagay, waxaa uur-ku-taallo loogaga dhigayey arami lala xiriirinayey iyo nacayb quluubtooda loogu beeray bulsho weyntii Soomaaliya idilkeed, iyadoo shacabka la tusayay xumaan ka qotodheer kana duwan dhacdooyinkii ay gaysanayeen ciidamadii daacadda u ahaa taliskii milatariga ee Maxamed Siyaad Barre, oo dhibaato badan oo bini aadanimada ka dhan ah ka gaystay degaanno badan oo kamid ah dalka Soomaaliya, siiba gobolada Mudug, Nugaal, Bari, Gobolada Dhexe, Banaadir iyo badanaa gayiga Soomaaliyeed.

Maanta Laascaanood waxa ay taagantahay meeshii shalay ee Hargeysa, waxayna u garramaysaa sidii SNM ay shalay u garrantay ee ahayd in ay ka dhiidhiyeen dulmi lagula kacay, sidaas darteedna ay xaq u leeyihiin in ay maatadooda difaacaan oo ay aayahooda ka tashadaan.

Nin ku dooday inuu shalay ka gilgishay dulmi, haddana isla dulmigii oo kale raba inuu ku kaco waa arrinta maanta uu salka ku hayo dagaalka ka socda Sool ee ay boqollaalka qof ku nafwaayeen, boqollaal ku dhaawacmeen, boqollaal kun oo kalena ku barakeceen.

Dulmidiidihii shalay ee u digarogtay dulmidoonaha maanta waa waxa ay ku saabsanaan doonaan qormooyin isdabayaalla oo degelka Daljir uu joogto idin kula qaybsan doono, shacabka Soomaaliyeedna aad rajeynayno in ay kala socon doonaan. Qormooyinku waxay si dhow oo oddorosaad ku dheehanyahay ku eegi doonaan waayaha midabada duwan ee Hargeysa iyo halka ay salka dhigan karaan haddii aaanay shaqayn garasho togan oo tubtii shalay ku tilmaansan kari wayda, timaaddada uu taxanaha waqtigu wado.

Diiwaanka Daljir

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: